Sunday, May 19th, 2013
FCB nalaqosol

Gabar Mudo lagu shukaansanayay Magaca Fanaan ay hawadda Ka jeclaatay Lacagna looga cuney (Dhacda Xanuun badan)

Published on January 28, 2013 by   ·   1 Comment

murugoWaxaan go’aan ku gaaray inaan la xiriiro bal nolosheydu uga xasisho Jaceylka xad dhaafka ah ee aan u qabay, Waxaan helay ciwaankiisa facebookga  Xanuunbadanaa qof aad jeceshahay oo aadan misna si toos ah isku hor fadhiisan Karin.

Bal intaanan sheekadda dulucdeeda galin aan isku kiin sheego qofkaasna magaciisa idiin sheego.

Magaceygu waa Ilhaan Maxamed, waxaan Hadda ku noolahay wadanka Suudaan  gaar ahaan Magaalada Khartuun.

Waxaan Si said ah u jeclaaday Wiil fanaan ah oo lagu magacaabo Liil Baliil Mudo lix bilood ah ayaan jaceylkiisa qarsanaayay markaan is  iraahdo u sheego waan yar cabsanaayay

Anigoo jaceylkeyga qarsanaaya ayaa wax kasta oo uu soo qoro waxaan ka bixin jiray comment  mudo yar kadib ayaan bilaabay inaan massage ku qoro oo aan ku dhahaayo aboowe ila sooxiriir intaas uguma aana ekeeyne waxaan go aan saday inaan marnaba qadka ka bixin si aanan u seegin xiliga uu Online ka soo noqonayo .

Habeen habeenada kamid ah anigoo heesihiisa daawanaya ayaan shaashadda ka arkay Studio Balan baalis iyo taleefoono meesha ku qoran , taleefoonkii ayaan qortay kadibna waan wacay waxaa iga qabtay wiil waxaan ku dhahay waxaan rabaa Liil  Baliil taleefoonkiisa kadibna wiilkii wuu isiiyay waan wacay waxaan dhahay aboowe Liil miyaa ? haa ayuu dhahay laakin shaqo ayaan ku jiraa.

Isla markaasi waxaan u sheegay qofkaan ahay iyo sidaan u taageero ileen jaceyl horay lagama sheegi karee, habeen ayaan qadka ku arkay balse si fiican hadalkeyga uguma uusan soo jeedin, balse habeen aniga oo qadka facebookga ku jira ayaan arkay isagoo meesha kusooqoray “ Caawa yaa ila soo jeedaaya?” Kadibna comment ayaan ugu qoray Anigaa Kula soo jeedaaya.

Xoogaa ayaan commentiga ku kaftanay kadibna ciwaankeyga ayuu iwaydiiyay waan u sheegay wuu igu soodarsaday habeenkaasi farxad ima dhimaneyn waayo waxay ila ahayd inaan helay qof aan jeclahay balse sidaa sheekadu maahayn .

Sheekadu waxay xumaatay markii ay meesha beeni timid , inkastoo uu facebookgiisa ku sooqortay in uu xaasle yahay oo aan aniguna sidaa isaga qanacsanaa maxaase dhacay ?

Inkastoo aanan waji ahaan isku aqoon hadana isla habeenkii igu horeeysay ee aan cod ahaan iskula hadalno ayaa waxaan xoogaa dareemay in codkaani uusan ahayn codkii aan heesaha ku maqli jiray waan waydiiyay waxaan dhahay codka maxaa isma lahane , wuxuu igu dhahay kaasi waxaa lagu habeeyaa maksar marka waa sidaa waxaad u fahmi waysay.

Habeen ayuu i dhahay cawa murug ayaa i hayso aniga waan naxay waxan ku dhahay maxa kugu dhacay waxa oo idhahay lacagti gurika ijaarka ayaa iiga dhuntay bari maxan sobiyaa meel an deen ka helayo malahan anigoo yaban ayaan wiil ila dhashay ayan wacay waxan dhahay 100 dollar ayan rabaa oo dag dag ku qadanayo waa isoo dhigay lkn malinti ma anan helin malinti dhan aniga waan baqayay waxan is dhahayay amoo ka xanaqaa aniga tel ma anan ka qabanin markas ayuu facebook ayuu ku soo qoray cawa nolosheyda aya iiga maqana aaway ilhaan wan ku jeclahay  aniga farxad iyo wal wal ayaa isgu keey darsamay hadalad oo dhahayo iyo lacagta aan u diri wayay waxan ka cabsahaa inoo i naco oo i dhaho aman isii subix waaga markoo barayay ayaan baaxay xawaaladi ayan aday lacagti online ayuu ku qaatay

markas ayaa leer qaboow ah isoo martay meshi ayan ka bilownay sheekadi mar walbo aan dhaho skype soo fariis been ayuu ishegaa waxa oo i dhahaa qaali  laptoga aya iiga maqan tel ayan qadka ugu jiraa aniga wan aminay wayo waa naf aan jeclahay sas i tahay waxan niyada isga dhihi jiray lill baliil lacag uma bahno ee amoo adiga kugu dijabinaa runtu maserey ayan ahaa lkn maserka jaceylka ayaa ka badiyay lkn aniga wan ku qanacsana wayo waxan u maleya inoo yahay lil baliil mana ahan malin ayuu  waxa oo i dhahay ma ku aminaay ilaa aa naagteyda ka noqoto

aniga wan ku farxay hadalkas wayo waxan jeclaa malin inaa naagtis noqodo walalahey ayan baray iyo aabo cideyda dhan ayan wada baray waa la iigu nikaxay dib waxa balansaneyn inaa kenya ugu tago marka dhaho sawir soo gal waxa oo i dhahaa wan mash quulsanahy  ok ayan dhaha waxan niyada ku sa sabanaa inaa naagtiisa ahay oo malin oon aan arki doono? habeenki qadka ayaan ku dhafri jirnay aniga sa.id ayan u sii jecladay marka dhaho naag ma qabtaa waxa oo i dhahaa maya hadalad aan pega facebook ku aragto waa been dadka ayaan ku mada daalin jiray hadalka oo i dhaho wan ku qancaa wanba ku faraxsanahy waxan arkay sawiro oo arooskiisa ah wan weydinaa dhar ayaa la maraa ileen dharta waa runtiis wayo asiga naag ma qabo ee lil baliil ayaa qabo aniga wan yabay waan fikiray hadii an dhaho maxa wayay sawirad waxa oo i dhahaa waa aniga iyo walshey  marki la aroosayay walshey wayay wan isga amusaa marka dhaho nairobi ayan kugu imanaa waa didaa waxa oo dhahaa aniga qartoum kugu imanayo hadalo ayan misaamay waxan wacay gabar aderkey dhalay waxan dhahay ninkas ayaa i qabo wan ka shakisanahay ee soo ogaaw  waxa la soo ogaday inoo nin kale i qabo oo magaca lil baliil ku qarabanayay aniga naxdin meel aan aado ayan aqooni wayay wan ooyay maxan sobiya dalo faraha ayee ka baxday  lil baliil  ayaa isla hadalnay maba ahan isgu cod waan fikiray ninki wiil ader dhalay ayaa ogaday xoog aya la iiga furay aniga niyada ayan ka jabay nolosheyda mugdi ayaa gal lil baliil wan jeclahay lkn ma rabo inaa rerkis bur buro magacisa ayaa xasuus i ah  waxan wiilasha somaliyeed ugu digaa  inee nolosha bini.adamka lagu ciyaarin  qofkan dhib loo kesan wayo gabar waa kula dhalatay ma la xumeyo nin ragga ah nin kale faciis ah  magaciisa inoo ku qarabto waa laka fiican yahay aniga jecelkeyga sas ayan ku wayay  ninkasna kalia waxa oo jeclaa magaca lil baliil inoo ha leeyo ama sumcad daro ku rido wayo waqti walbo lacag ayuu i weydiin jiray marka illah ayaa joga adduunka waa laga tagaa.

 

Source:Wariyaha.com

Readers Comments (1)

  1. sahra kin says:

    wa sheko naxdin ah



INDIAN FILMS

ragga .

Xaliimooyinka Reer Sweden-ka noqday Ragga Dhibkan ayay ku qabaan ! (Filim Xanuun badan Daawo)

May 4, 2013
Filimkan ayaa waxa uu ka hadlayaa Dhibaatada Ragga Reer Sweden ay ku qabaan dumarka  awooda isbiday ee dalkaasi ...
video shukansi

Very Funny Shukansi (Daawo Video Qosol Miiran ah)

April 24, 2013
Muuqaalkan ayaa waxa uu yahay mid si rasmi ah u dhici kara waxaana sheekada laga sameeyay ay dhex ...
FILIM AFSOMALI CAJIB AH

FILIM AFSOOMAALI AH OO CAJIIB AH (DAAWO)

April 16, 2013
Filimkan Afsoomaaliga ah ayaa waxaa loogu Magac daray Beri,Xiligan ,Meeshaan kaasi oo qaab jiliinkiisa Koowaad uu aad kuu ...
FULL FILIM

FILIMKII CAANKA AHAA YADEEN (Full Movie-Daawasho Wacan)

February 2, 2013
Xubinta Filimada Ee Warbaahinta Nalaqosol.com ayaa maanta waxa aan idinku soo bandhigaynaa Filimkii caanka ahaa Yaden oo ah ...
Dil_poster_desifun_co_uk

FILIMKII CAANKA AHAA “DIL” Oo Afsoomaali ah Qeybta 1aad (Daawasha Wacan)

January 28, 2013
Filimkii aadka u jilida wanaagsanaa ee Dil ayaa Maanta idiin haynaa Qeybta 1aad Daawo. Maalin walba ayay warbaahinta Nalaqosol.com ...
Hindi cajiib

HEESTA MAANTA -Daawo Dareenkaaga Maxaa Iska badaleya Reeb Comment(VIDEO)

January 24, 2013
Inta badan Filimada Hindiga Iyo Heesahooda ayaa qaabka loo jilay waxaa qofkii daawada uu dareen ahaan noqonayaa Mid ...
FILIMKII DADKAN

Daawo Film hindi ah oo lagu magacaabo Dhadkan “Full Filim Afsoomaali)

January 19, 2013
Filimkan waa Filimada loogu Jecelyahay Hindiga waxaana Loo Tarjumay Afsoomaali Jaceyl,Caqli iyo Siyaasad Filim ka kooban waa Filimkii ...
FILIMKII

Full Filim Hindi Afsoomaali ah (FILIMKII KYO KII MAIN JHUT NAHIN BOLTA Full Movie)

January 18, 2013
Warbaahinta NALAQOSOL.COM oo idiin soo bandhigta Filimada Xulka ah auaa waxa ay maanta idiin soo bandhigaysaa Filimkii Caanka ...
Hindi

Hees Hindi ah Jaceyl Xanuun badan (Daawo)

January 18, 2013
Heestan Macaan Waa Heesaha sanadahan loogu  jecelyahay Hindiga  Heestan Halku dhigeeda waa ISHQ KA DARD HAI Waxa aad dareemi ...
FULL FILIM

FILIM HINDI AF SOMALI “ASAMBHAV” (FULL MOVIE DAAWO)

January 15, 2013
HALKAN KA DAAWO FILIM 2 SAACADOOD AH (HINDI AFSOOMAALI FULL AH) Filimkii ASAMBHV OO ATOORAYAAL Caan ah ay ...