Tuesday, May 21st, 2013
FCB nalaqosol

Xuubka Xubinta Taranka iyo Aqoon darada Ragga (Qormo Xasaasi ah)

Published on January 30, 2013 by   ·   1 Comment

Inta badan Raggu waa kuwa talo ahaan u heysta waxyaalo ay usoo sheegeen Kuwa ka horeeyey balse ay suura gal tahay ineey qalad ka fahmeen Qaababka Bikro Jabinta & Xuubka Bekrada.

Hadaba Xuubka bekrada waxa dusha ka dahaara bushimaha yaryar ee cambarka. Xuubkaasi oo dillaaca habeenka gabadha la bekra-jebinayo, wuxuu yeeshaa kolka uu dillaaco faraqyo ama raaman, waana la dareemi karaa jiritaanka raamankaasi ilaa laga gaaro dhalmada koowaad kolkaasi oo uu si toos ah u baaba’ayo.

Dillaaca xuubka bekrada waxa la socda dhiig bax heerar kala duwan leh. Waxa laga yaabaa in xuubku uu aad u adag yahay, hor istaagana galmada, ama yahay sida laastiigga oo kale oo uusanba galmo ku dillaacin, balse goor dambe dhalmadu ay dillaaciso. Waxa dhacda in mararka qaar afka xuubka bekradu uu yahay mid tooxan oo uusan koobaabnayn,

mararka qaarna waaba uu dahaaran yahay oo maba laha xitaa meel uu dhiigga caadadu kasoo baxo, taasi oo kallifta in dhakhtar loogu yeero. Dhakhtarad caafimaad oo tijaabo ay la kulantay ka hadashayna waxay tiri: (Gabar lix iyo toban jir reer miyi ah ayuu ninkeedii oo wadaa iigu keenay rugteyda caafimaadka.

Waxay ahayd gabar caato ah, midab boor ah leh, aadna u bar yar, oo ruuxii eegaa u malaynayo inay ilmo laba iyo toban jir ah tahay.

Waxaan ugu horreyntii u qaatay inay raashin xumo sidaan u gashay, ha yeeshee waxa iga shaki siiyay jirkeeda aad mooddo inuu dhiig caddaad qabo oo boorka leh, waxaanan is iri armay dhiig sumow qabtaa.

Markii aan dharka ka dhigay waxa ii muuqatay caloosheeda buuran. Kolkii aan ninkeedii weydiiyayna waxa uu ii sheegay inuu qabo muddo ku dhow sanad, maalmahaan dambese ay billowday inay caloosha ka sheegato, isaga oo intaasi ii raaciyay “Waxaan u maleynayaa inay uur 5-6 bilood ah leedahay”.

Dabeeto gabadhii ayaan weydiiyay su’aasha caadiga ah “ Goormaa dhiig caado kuugu dambeysay?”, waxanay iigu jawaabtay inaanay weligeedba arag dhiig caado, saa ninkii baa lasoo booday “Gabadhu waa ay yartahay oo weli ma qaangaarin, waxaana laga yaabaa inuu uurku sabab u yahay caado la’aanta”.

Gabadha kolkii aan baaray waxa ii caddaatay in uusan jirin wax uur shan bilood ahi, balse ay jiraan wax aan garan waayey. Waxaan markaasi baaray ilma-galeenkii, saa dhabtii baa qorraxda ka caddaatay oo aad iiga nixisay. Cambarka waxa ku dahaaran dub dhumuc weyn oo balaastiig ah, kolkii aan farta ku riixayna si sahal ah u duusmay, waxayna farteeydu ku sigatay inay gaarto luqunta ilma-galeenka oo uusan u dhexeyn wax aan xuubkaasi ahayni.

Ninkii baan weydiiyay waxa uu ka xusuusto habeenkii aqalgalka, wuxuuna iigu jawaabay “Habeenkaa xaaskeyga waan u tegey, wax dhiig ahise kama imaan, ha yeeshee kama aanan shakiyin maadaama ay ahayd ilmo yar oo aan weli caqliyaysan”. Markaas baan ninkii u sheegay in naagtiisu ay weli bekro tahay ayna ku dhalatay xuub bekro dhumuc weyn oo owdan, waxa caloosheeda ka buuranina uu yahay dhiiggii caadada oo bilba bisha ka dambeeysa ku ururayey, meel uu dibadda uga soo baxana la’aa.

Kolkii aan xuubkii bekrada dillaaciyay waxa oodda soo goostay dhiigii duugga ahaa oo is urursaday, gabadhii markaas bay miiskii ay dul saarneyd uga toostay sidii iyada oo markii ugu horreysay ka soo nabdoonaatay cudur ku raagay) .

Xuubka bekrada caadiga ahi kolka uu ku dillaaco galmada ugu horreysa, waxa dillaacaasi luqada caafimaadka lagu yiraahdaa (Defloration), ha yeeshee waxaa laga yaabaa in dillaacaasi ay keenaan waxyaabo kale oo aan galmo wax xiriir ah la lahayni, kolkaasi ooy gabadhu dareento xanuun yar amaba aanay waxba dareemin, xoogaa dhibco dhiig ahina ka soo tif-tif yiraahdaan.

Waxa isna jira xuub bekro daloolkiisu uu laab-laaban yahay, kana ballaar badan yahay kan koobaabinta ah, geedka ninkuna uu geli karo isagoon wax dillaac ah u geysan, gaar ahaan hadduu geedku ka dhumuc yar yahay sida caadiga ah.

Waxa kale oo isna jira nooc xuub bekro daloollo badan leh sida shaqshaqa oo kale, kaasi oo kolka galmadu dhacayso si sahal ah u dillaaca isaga oon keenin wax dhiig bax iyo xanuun ah toona. Waxa intaa dheer hablo dhasha iyaga oo xuubkooda bekradu aanu lahayn wax dalool ah sidaan hore uga soo hadalnay waase arrin naadir ah.

Xuubka bekrada noocyadiisa waxa ugu badan (75%) nooca jilicsan daloolkiisuna koobaabinta yahay. Boqolkiiba 25% waa noocyada kale ee aan caadiga ahayn, waana in arrintaasi maanka lagu haayo.

Lasoco Qeybta Xigta.

Buuga Raaxada Guurka

 

Readers Comments (1)

  1. jamaal says:

    waxaan u malaynayaa inuu wabsatkan uu soo qoro qof caqli gaab ah mam caruurb ah waayo waaxaan caqli gal ahayn ayuu soo qoraa



INDIAN FILMS

ragga .

Xaliimooyinka Reer Sweden-ka noqday Ragga Dhibkan ayay ku qabaan ! (Filim Xanuun badan Daawo)

May 4, 2013
Filimkan ayaa waxa uu ka hadlayaa Dhibaatada Ragga Reer Sweden ay ku qabaan dumarka  awooda isbiday ee dalkaasi ...
video shukansi

Very Funny Shukansi (Daawo Video Qosol Miiran ah)

April 24, 2013
Muuqaalkan ayaa waxa uu yahay mid si rasmi ah u dhici kara waxaana sheekada laga sameeyay ay dhex ...
FILIM AFSOMALI CAJIB AH

FILIM AFSOOMAALI AH OO CAJIIB AH (DAAWO)

April 16, 2013
Filimkan Afsoomaaliga ah ayaa waxaa loogu Magac daray Beri,Xiligan ,Meeshaan kaasi oo qaab jiliinkiisa Koowaad uu aad kuu ...
FULL FILIM

FILIMKII CAANKA AHAA YADEEN (Full Movie-Daawasho Wacan)

February 2, 2013
Xubinta Filimada Ee Warbaahinta Nalaqosol.com ayaa maanta waxa aan idinku soo bandhigaynaa Filimkii caanka ahaa Yaden oo ah ...
Dil_poster_desifun_co_uk

FILIMKII CAANKA AHAA “DIL” Oo Afsoomaali ah Qeybta 1aad (Daawasha Wacan)

January 28, 2013
Filimkii aadka u jilida wanaagsanaa ee Dil ayaa Maanta idiin haynaa Qeybta 1aad Daawo. Maalin walba ayay warbaahinta Nalaqosol.com ...
Hindi cajiib

HEESTA MAANTA -Daawo Dareenkaaga Maxaa Iska badaleya Reeb Comment(VIDEO)

January 24, 2013
Inta badan Filimada Hindiga Iyo Heesahooda ayaa qaabka loo jilay waxaa qofkii daawada uu dareen ahaan noqonayaa Mid ...
FILIMKII DADKAN

Daawo Film hindi ah oo lagu magacaabo Dhadkan “Full Filim Afsoomaali)

January 19, 2013
Filimkan waa Filimada loogu Jecelyahay Hindiga waxaana Loo Tarjumay Afsoomaali Jaceyl,Caqli iyo Siyaasad Filim ka kooban waa Filimkii ...
FILIMKII

Full Filim Hindi Afsoomaali ah (FILIMKII KYO KII MAIN JHUT NAHIN BOLTA Full Movie)

January 18, 2013
Warbaahinta NALAQOSOL.COM oo idiin soo bandhigta Filimada Xulka ah auaa waxa ay maanta idiin soo bandhigaysaa Filimkii Caanka ...
Hindi

Hees Hindi ah Jaceyl Xanuun badan (Daawo)

January 18, 2013
Heestan Macaan Waa Heesaha sanadahan loogu  jecelyahay Hindiga  Heestan Halku dhigeeda waa ISHQ KA DARD HAI Waxa aad dareemi ...
FULL FILIM

FILIM HINDI AF SOMALI “ASAMBHAV” (FULL MOVIE DAAWO)

January 15, 2013
HALKAN KA DAAWO FILIM 2 SAACADOOD AH (HINDI AFSOOMAALI FULL AH) Filimkii ASAMBHV OO ATOORAYAAL Caan ah ay ...