Digniin laga Bixiyay Isticmaalka Twitter-ka (Cadeyn)

Number of View: 256

Adeega Twitter oo ku baahsan Caalamka oo idil ayaa markani waxaa Cabasho muujinaya isticmaalayashiisa oo ubadan Dad masuul ah kuwaasoo go’aan cad ka gaari doono hadii aysan wax ka qaban Maamulku.

Hadaba Twitter-ka oo ay isticmaalaan Qiyaas ahaan 200 Malyan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa si isdaba joog ahi loo bartilmaamsanaayay Aqbaaraadka Dadka caalamka caanka ah.

Waqtigii ay doorashada Maraykanka socotay waxaa lala wareegay Dhamaan Cinwaanadii uu lahaa Brack Obama isagoona cabasho ka muujiyey arinkaas.

Tiro kor udhaafaysa 250,000 Cinwaan ayaa Sanadkii tagay ilaa hada la jabsaday iyadoona Maamulka Twitter ay arinkaasi maalinadii shalay ahyd ka hadleen , waxayna sheegeen in Amaanka ay sugi doonaan cabashada Isticmaalayaashana ay wax badan ka qaban doonaan.

Hoos ka daawo Dad caan ah Sida Madaxweyne yaal iyo Fanaaniin Macal Siyaasiyiin kawada cabanaya Cinwaanadooda oo lawada jabsaday kuwaasoo sawiro cadeynaya laga soo qaaday.

MUUQAALO HALKAN KA DAAWO:-

Twitter

 

 

Categories: AMAZING, FUNNY NEWS

Comments are closed.